Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaana ah musharaxa madaxweyne
ee xisbiga Kulmiye ayaa waxaa uu dhawaan magacaabi doona madaxa olalaha xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi ayaa sida ay sheegayaan xogo xaqiiqo ah oo soo gaadhey shabakada Ilaysnews.com waxaa uu jagadaasi u magacaabi doona laba qof oo ay mid ay isaga isku beel yahiin ka kalana ay gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muj Maxamed Kaahin ay isku beel yahiin isla markaana ay isa sii xiigan
Madaxa Olalaha ee gobalada Bariga Somaliland waxaa uu Muuse Biixi u magacaabi doona sida ay xoguhu sheegayaan Siyaasi Cabdicasiis Samaale oo ay isku beel yahiin
Sidoo kale Madaxa olalaha gobalada galbeedka ayaa waxaa isna loo magacaabi doona Xildhibaan Obama oo ka mid ah mudanayaasha glolaha wakiilada isla markaana waxaa ay isku beel yahiin gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed.
Dhawaan ayaana la filayaa in labadaas siyaasi xisbiga Kulmiye u comaamado jagadan sidoo kale waxaa xusid mudan iyaduna in xisbiga Waddani oo isaguna jagadan dhawaan magacaabey uu u magacaabey Wiil Dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Beesha Gudoomiye Muuse Biixi gaar ahaan gobalka Gabilay