Ergayga Qaramada Midoobey  Oo Hargeysa Imanaya+Wakhtiga Uu Imanayo Iyo Nuxurka Fariin Uu U Sido Madaxwayne Siilaanyo

0
16
Hargeysa(Saxilnews)-Ergayga qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo SOmaliya Danjire Michael Keating ayaa la filayaa inuu Axadda Bari ah socdaal ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Danjire Michael Keating oo aanu xafiiskiisu wax war ah kasoo saarin socdaalkiisan uu ku imanayo Somaliland ayaa hadana warar uu Geeska Africa helay waxay sheegayaan in ergaygu u socdo dhawr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin Aafada Abaaraha,Doorashooyinka iyo dib u dhaca ku yimi iyo arrimo kale,waxaana la filayaa in uu kulan la yeesho madaxwayne Siilaanyo.

Sidoo kalena warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Ergaygu uu madaxwayne Siilaanyo soo gaadhsiin doono fariin ka timi golaha amaanka qaramada Midoobey oo la xidhiidha dib u dhaca dhawrka goor ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland ,iyada oo Qaramada Midoobey ka mid ah ururada Caalamiga ah ee canbaareeyey dib u dhaca iyo muddo kordhinta madaxwayne Siilaanyo loo sameeyey.

 

Xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here