“30-Kun Oo Shilin Ayaa Nalaga Siilaya Shirikaanka Biyaha Ah” Nabadoon Cabdillaahi Xasan Gobolka Shabeelaha Dhexe

0
27

Sh/dhexe (Saxilnews) Deegaanka Raage Ceele ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u adag,waxaana ka jirta biyo la’aan baahsan oo saameyn weyn ku yeelatay dadka halkaasi ku nool.

Waxaanu shirikaanka biyaha ah ee 20-ka litir ahi uu maraya oo dadkaasi danyarta ah ee awoodooda dhaqaale hooseyso laga siiyaa 30-kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Nabadoon Cabdillaahi Xasan oo warbaahinta la hadlayay ayaa ka warbixiyay xaalada biyo la’aaneed ee deegaankaasi waxanau yidhi “Deegaanka waxaa ku yaallay laba ceel biyood,  mid ka mid ah qarax ayaa lagu bur-buriyay, mid kalana biyihiisa lama cabi karo, waa qaraar,  dadka hadii ay cabaan weey ku shubmayaan,  keliya waxaa cabi kara xoolaha”,

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay, in biyaha la keeno deegaanka laga soo arooro meel  70 km u jirta deegaanka, waxaana uu hadalkiisa uu sii raaciyay in “Oor”, lagu soo dhaamin jiray biyaha balse “Oor-tii” ay abaarta darteen ay u geeryoodeen.

Sababahaasi oo is biirsaday ayaa biyaha deegaanka ka dhigay kuwa qaali ah oo aanay danyartu goyn Karin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here