Madaxweyne Farmaajo Oo Codsi U Diray Baarlamaanka Dalka Somaliya

0
28

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dalbadayBaarlamaanka Soomaaliya in aysan is hor-taag ku sameyn Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan ansixinta Xukuumadda iyo cabashada ay ka keeneen illaa 105 Xildhibaan oo doonaya in wax ka bedel lagu sameeyo, lana saxo awood qeybsiga.

 

Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Soomaaliyeed ee SONNA sheegay inuu isagu taageeray Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo tilmaamay xubanah la magacaabay ay yihiin dad aqoonyahano ah, khibradna u leeyihiin shaqada, ayna ku jiraan dad horay u soo shaqeeyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Sabtidii la soo dhaafay warqad u qoray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ka dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada, si loo saxo qaabka awood qeybsiga, waxaana qoraalka uu u diray Ra’iisul Wasaaraha ku lifaaqnaa qaraar soo jeedin ah oo ka timid illaa 105 Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here