Hargeysa(Saxilnews)-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa walaac xoogan laga muujinayaa awoodiisa fulineed ee uu ku leeyahay Haayada uu maamulkeeda Gacanta ku hayo ee qaabilsan arimaha garsoorka dalka.
Aadan xaaji Cali oo tan iyo intii uu qabtey xilka Jagada Gudoomiyaha aad loo hambalyeeyey isla markaana wax badan ka bedeley nidaamkii garsoorku hore ugu shaqayn jirey is bedel wayn laga dareemay.
Balse maalmihii ugu dambeeyey waxa soo baxaya walaac laga qabo in awoodiisii hore is bedel ku yimi iyada oo sabab ay tahay arimaha is bed bedelaya ee ka jira dalka awgii.
Waxaana la soo warinayaa in Aadan awoodiisii ay haatan si toos ah u soo dhax galeen shaqsiyaad madaxtooyada ku dhex jira oo xukumada ka mid ah kuwaasi oo lanaaqisha go’aamada iyada oo dhan la iskaga leexiyo wixii ka hor imanaaya danaha xukumada iyo dadka ka agdhow dhow.
Masuuliyiinta xisbiga Ucid ayaana arintani si adag uga hadlay waxanay sheegeen in Aadan Xaaji Cali uu ka meer meraysanaayo go’aan ka gadhista Maayarada Gabiley iyo Berbera oo xisbiga Ucid uu maxkamada sare u gudbiye Dacwad ka dhan ah isla markaana ay doonayaan in ay ku bedelaan labadaasi Maayar maadaama ay ka baxeen xisbigii iyaga oo cuskanaya in xildhibaankii ka baxa xisbigii uu ka soo baxay uu awood u leeyahay xisbigu in uu bedelkiisa keensado.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka