Jarmalka Oo Dalkiisa Ka Musaafuriyey Laba Qof , Dalalka Ay U Dhasheen Iyo Sababta Loo Musaafuriyey

0
20

German (SaxilNews):- Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay in markii ugu horreysay ay dalkoodaka musaafurinayaan laba nin oo dalkaasi ku dhalatay balse waalidiintood ay yihiin ajaanib.

Image may contain: one or more people

Raggan oo asal ahaan ka soo kala jeeda dalalka Nigeria iyo Aljeeriya ayaa waxaa bishii la soo dhaafay lagu xidhay waqooyiga dalkaasi, iyagoo markaa looga shakiyay in ay qorshaynayeen inay qaadaan weerar argagixiso, balse waligood arrintaa looma maxkamadeyn.

 

Calan la sheegay in ay leedahay kooxda la baxday Dowladda Islaamka iyo qori ayaa laga helay gurigooda oo ku yaala magaalada bartamaha ku taala ee Gottingen.

Balse wax dacwo ah lagu ma soo oogin, sababtoo ah waxa adkaatay in boolisku caddeeyaan in raggan ay qorsheenayeen in ay fuliyaan weerarkaasi, balse waxay sheegeen boolisku in raggaasi yihiin halis.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hubaal ay tahay in raggaasi la tarxiili doono wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah, waxaa uuna intaasi ku daray in uu filayo in arrintaasi dhaci doonto inta aan la gaadhin bartamaha bisha April.

Waxa uu sheegay wadahadal lala billaabay waddamada ay ka soo jeedaan waalidiintooda ee Aljeeriya iyo Nigeria, si ay u fududeeyaan tarxiilka labadani qof, waxa uuna intaasi ku daray in laga mamnuuci doono in ay dib ugu soo laabtaan Jarmalka.

Ma cadda ilaa hadda in go’ankaas ay racfaan ka qaadan doonaan iyo in kale.

Dhalashada dalkaasi Jarmalka waxa lagu bixiyaa in qofku waalidiintiisa mid ka mid ah uu ku dhashay dalka ama isagaba uu ku dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here