Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maantaku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono.
Waxaana ay noqoneysa booqashadani tii u horeysay ee uu mid ka mid ah dalalka deriska ah ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ah ee uu ku baxo Farmaajo
Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Somaliya ayaa kaga qeyb galaya magaalada Nairobi shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, kaasoo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kenya, iyagoo yeelan doona kulan gaar ah oo ay kaga wada hadlayaan xidhiidhka labada dal, iskaashiga, amniga iyo arrimo kale.