Madaxweynaha Mareykanka Oo Booqasho Ku Tagi Doona Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Aasiya

0
21
HENDERSON, NV - OCTOBER 05: Republican presidential nominee Donald Trump speaks during a campaign rally at the Henderson Pavilion on October 5, 2016 in Henderson, Nevada. Trump is campaigning ahead of the second presidential debate coming up on October 9 with Democratic presidential nominee Hillary Clinton. (Photo by Ethan Miller/Getty Images)

USA (SaxilNews):- Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku wargeliyey madaxweynahaShiinaha, Xi Jinping, in madaxweyne Donald Trump damacsanyahay inuu booqasho ku tago dalkiisa si loo xoojiyo isfahamka ka dhexeeya labada dawladood.

Image result for donald trump traveling

Tillerson wuxu socdaal ku marayaa dalalka Aasiyada Bari waxaanu hogaamiyaha China kula kulmay magaalada Beijing.

 

Madaxweyne Xi ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanaa horu socodka fiican ee uu sheegay kulankii uu la yeeshay Tillerson.

“Waxaad sheegtay in xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanku uu mid saaxiibtinimo uun yahay. Arrinkaa in aan la dhacsanahay ayaan anna sheegayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray madaxweyne Xi in uu dhawr jeer tilifoon kula hadlay madaxweynaha Maraykanka.

“Labadayaduba waxaanu rajaynaynaa in ay bilaabanto marxalad cusub oo horumar togan ahi” ayuu yidhi.

Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Tillerson ayaa isna sheegay in madaxweyne Trump “aad u qiimaynayo xidhiidhada ay ilaa haatan yeesheen labada dhinac”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here