Hargeysa(Saxilnews)-Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa si cad oo aan qarsoodi lahayn qandaraaska dhismaha Run-wayga madaarka Burco u siiisay ganacsade caan ah oo kasoo jeeda qoyska madaxwayne Siilaayo iyada oo ay masuuliyiinta wasaaraddu baal mareen shuruucdii iyo xeerkii cadaaladda ku dhisnaa ee loo bixin jirey qandaraasyada dhismayaasha qaranku leeyahay.
Sida ku cad xogo hooose oo uu helay wargeyska Hubaal,waxa ay masuuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland qandaraaska dhismaha Run-wayga madaarka Burco tartan la’aan ku siiyeen ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo qoyska Madaxwayne Siilaanyo kasoo jeeda kaas oo hore u hirgaliyey dhismaha Run-wayga madaarka Hargeysa oo uu hore sidan oo kale ugu gacan galiyey wasiirka madaxtooyada Somaliland oo wakhtigaasi hayey wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland.
Qandaraaska la siiiyey ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo markii uu sidan oo kale u helay qandaraaskii dhismaha Run-Wayga madaarka Hargeysa samaystay shirkad lagu magacaabo China Horn Group ayaa lacagta ku baxaysa ee gacanta laga galiyey waxa uu qadarkeedu dhan yahay $5.000,000 (Shan Milyan Oo Dollar) oo ay bixisay dawladda Kuwayd oo sidan oo kale u bixisay lacagtii lagu dhisayey madaarka Hargeysa oo ay canaan badani kasoo noqotay.
Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa qandaraaskaas dhamaystirtay dhawaan,waxaana ay warbaahinta usoo bandhigtay Todobaadkii ina dhaafay,iyada oo aan wax faah-faahin ah ka bixin sababta uu ganacsadahani ku helay qandaraaska dheefta intaasi leeg ku jirto ee lagula tartami waayey.
Qandaraaska la siiyey ganacsadahan kasoo jeeda qoyska madaxwayne Siilaanyo ayaa socon doona muddo Laba Sanno ah sida ay masuuliyiinta wasaaradda Duulistu sheegeen,waxaana wararku sheegayaan inuu agabkiisi dhismaha qaar kamida usoo dhaqaajiyey dhinaca magaalada Burco,isaga oo kasoo dhaqaajiyey dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Burco oo uu qayb kamid ah dhismaheeda gacanta ku hayo.
Guddiga qandaraasyada qaranka oo uu madaxwayne Siilaanyo ku dhawaaqay markii uu talada dalka haaneeday ayaa camal la’aan albaabadu u laaban yihiin ,waxaana ay shaqaalaheedu iska qaataan mushaharaad qaranka dhiig bax ku ah oo aanay u dhididin,iyada oo shaqadoodii u afduuban tahay shaqsiyaad mabaa’dii qoysnimo ku shaqaynaya oo aan shuruucda iyo xeerka waddanka wax ixtiraam ah u haynin.
Shuruucda dalka ee bixinta qandaraasyada ayaa qoraysa in dhisme kasta amaba iib kasta oo ay dawladu u baahan tahay oo qiimahiisu kor u dhaafayo $3000 (Saddex Kun oo Dollar) tartan qandaraas la galiyo oo ciddii qiimaha ugu hooseeya keenta la siiyo,balse taas mar kaliya ayay dhacday intii xukuumaddani jirtay ,waxaana markaasi ahay ahayd markii uu wasiir Maxamuud xaashi iibinayey dhismihii hore ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ee ay ku lahayd badhtamaha magaalada Hargeysa oo ciddii iibsatay ay ku heshay qandaraas loo wada dhamaa.
Bixinta qandaraasyada noocan oo kale ah ayaa waxa ay naanays xummo ku yihiin haybadda iyo sharfta madaxwaynaha Qaranka,iyada oo taariikhdiisa danbena mugdi galinaysa,balse lama xaqiijin karo in madaxwaynaha laftiisu lug ku leeyahay hanaanka qabiilaysan ee qandaraaskan loo soo xulay iyo in kale.
Source Hubaal