Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa saaka garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa ka dhoofaywafti wasiiro ah oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici .
Waftigan oo ku sii jeeda magaalada Dubai ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirada, Arimaha Dibada, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha, iyo Wasiir Ku xigeenada, Madaxtooyada, Maaliyada.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo safarkaasi ka hadley bulshada si cad ugumuu sheegin sababta iyo ujeedka ay waftigan uu hogaaminaayo ay imaraadka u tagayaan marka laga reebo in uu ku soo koobay “hawl qaran ayanu u baxeynaa ”
Balse xogo aanu ka helayno ujeedka rasmiga ah ee waftigani ay Imaraadka u tagayaan ayaa waxaa ay sheegayan in ay tahay arinta Saldhiga Military ee dalkaasi laga Siiyey magaalada Berbera
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan