Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadley Codsi Uu U Diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

0
19

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa 

waxaa uu ka hadley codsi uu u dirat dhigiisa dalka Mareykanka waxaana uu ka dalbaday in xayiraadda laga qaado muwaadiniinta Soomaalidda ee dalka Mareykanka galaya.

 

 Somaaliya waxaa ay ka mid aheyd, wadamo Donald Trump uu diiday in dalka Mareykanka ay soo galaan mudo.

 

Mudane Farmaajo, ayaa dhinaca kale sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay arrimo kala duwan ugu safri jireen dalkaasi, ayna ganacsi ballaadhan ku leeyihiin dad Soomaaliyeed Gudaha Dalka Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya, ayaa looga fadhiyaa in Mareykanka ay kala hadasho, in Soomaalidda loo ogolaado in ay dalkasi galaan ayna la mid noqdaan mushtamaca kale ee dunidda.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here