Faah-Faahin Dheeraad Ah:- Deegaanada Koonfurta Gobolka Sool Oo Bandow Lagu Soo Rogey+ Sababta 

0
18
Hargeysa(SaxilnewsWararka dheeraadka ah ee saaka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaanada koonfurta Sool oo ay ka jirto colaad u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah lagu soo rogey bandow iyada oo deegaanadaasi lagu soo daad gureeyey ciidamo tiro badan.

Waxaana deegaanadaasi la sheegay in ay xaaladooda amni kacsan tahay kadib markii maalinkii shalay ahayd ay is rasaasayni dhex maray ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sool iyo ciidamo maleeshiiyad ah kaas oo ka dhacay deegaanka Kalabaydh oo ka tirsan Koonfurta gobolka Sool.
deegaanadan ayaa ay xukuumadda Somaliland kusoo daad gureysay ciidamo tiro badan kuwaas oo sugaya amaanka deegaanka.

Sidoo kalena wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanadaasi lasoo dhoobay ay xabsiga u taxaabeen dad badan oo ay uga shakiyeen in ay wadaan abaabulka khal-khal  nabadgaliyo daro,waxaana dadkaasi losoo dhaadhiciyey sida la sheegay xabsiga magaalada Laascaanood.sidoo kalena bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ayaa waxa soo food saartay cabsi ay ka baqayaan in coolaado kale ka istaadhmaan deegaanada koonfurta gobolka Sool.

Dhanka kalena waxa iyagu deegaanadaasi kusii qul-qulaya cuqaal,waxgarad iyo madax-dhaqameed ka kala socda beelaha Somaliland kuwaas oo u tagay sidii ay u kala dhex dhexaadin lahaayeen labadan beelood ee walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada koonfurta gobolka Sool.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay ku danbayn doonto colaadan sokeeye ee ka taagan deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here