Madaxii Guud Ee Shirkadda Samsung Oo Xabsiga La Dhigay , Dalka Lagu Xidhay Iyo Sababta Xabsiga Loo Dhigay

0
19

South Korea (SaxilNews):- Madaxii shirkadda Samsung Lee Jae-yong ayaa lagu xidhaydalka Kuuriyada Koonfureed isaga oo loo haysto eedaymo uu ka mid yahay Laaluush.

 

 Xadhigan ayaa lala xidhiidhinayaa fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo madaxweynihii wadankaas haweeneyda lagu magacaabo Park Geung-hye.

 

Shirkadda Samsung ayaa lagu eedeeyay inay deeq siisay heyaddo ay maamusho Choi Soon-sil oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park, taasoo ay shirkaddu ku badalaneysay inay gacan ka hesho dawladda si ganacsigeedu kor ugu kaco.

Shirkadda Samsung Group iyo madaxeeda la xidhay labaduba way iska fogeeyeen eedeymaha loo jeedinayo.

Lee Jae-yong oo ah madaxa ku meelgaadhka ah ee shirkadda Samsung ayay markii hore dacwad oogeyaashu su’aalo waydiiyeen bishii hore balse waxay go’aansadeen inaysan xidhan

Todobaadkan horaantiisii ayay mar kale su’aaalo waydiiyeen, iyadoo maanta ay maxkamaddu sheegtay inay muhiim tahay in la xidho Lee Jae-Yong ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here