Hargaysa (Saxil News.com)-
“Fariinta aan u dirayo bulshadda Awdal, waxay tahay kaadhka dhalashadda in la qaato, waana in aan la tashwiishadayn oo aan la odhan dhoof ayay joojinysaa, iyo doorashadda ayaa dib loogu”,
(Badhasaabka gobolka Awda
Hadaba weriyeyaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa-banaan ayaa dhawaan waxay kormeer aad u balaadhan oo qiimayn ah ku soo mareen qaar ka mid ah goboladda ay hada ka socoto diiwaangelinta madaniga ah.Weriyeyaashani ayaa kormeerkoodan qiimaynta ah waxay ugu kuurgaleen habka iyo hanaanka ay diiwaangelinta madaniga ah uga socoto goboladaasi, waxaanay waraysiyo kala duwan la yeesheen masuuliyiinta ka socda wasaaradda daakhiliga ee iyagu hawshaasi gacanta ku haya iyo sidoo kale cuqaasha iyo madax-dhaqameedka oo qayb ka ah diiwaangelinta madaniga ah.
Sidoo kale weriyeyaashani ayaa intii ay ku guddo jireen kormeerkoodani waxay warbixino la xidhiidha arrintaasi ka soo diyaariyeen sida ay bulshadu u aragto qaadashadda kaadhka dhalashadda iyagoo dhinaca kalena wax ka waydiiyay masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka sida badhasaabadda goboladda, maayaradda, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo masuuliyiinta kale ee tuulooyinka ay weli ka socoto diiwaangelinta madaniga ah.
Goboladda ay suxufiyiintani kormeerka ku soo mareen waxaa ka mid ahaa Awdal, Gabiley, Saaxil, Togdheer iyo dhamaanba degmooyinka iyo tuulooyinka hoosyimaadda goboladaasi, Weriyeyaashani ayaa ugu horeyn kormeerkoodan ka bilaabay gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland ayaa waxa uga warbixiyay hawsha diiwaangelinta ee gobolkaas madaxa kormeerka ee diiwaangelinta madaniga ah ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaaladda Boorama Cabdinaasir Aadan Dugsiiye.
Waxaanu C/naasir faahfaahin ka siiyay sida ay diiwaan-gelintu uga socoto gobolkaasi, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Si fiican ayay imika noogu socotaa, oo marba marka ka danbaysa ayay dadku soo badanayaan. Inkasta oo inta uu badhasaabka cusubi yimid uu dar-dar cusub noo bilaabay, isagoo si weyn nooga taageeray xagga wacyigelinta, oo aanu markii hore anagu Lug ku socon jirnay, imika laakiin aad ayay u fiican tahay inta uu badhasaabka cusub noo yimid. Wax badan baa is-bedelay, shaqaalaha laftooda joogto ayaa loo ilaaliyaa imika oo waxaa lagu sameeyaa kaantarool, markaa waxaan odhan karaa imika aad iyo aad ayay u fiican tahay.”
Cabdinaasir Aadan Dugsiiye, oo ka waramayay caqabadihii ay la kulmeen mudaddii ay hawshani ku guddo jireen, waxa uu yidhi “Intii aanu hawshani ku jirnay caqabadaha aanu kala kulanay waxaa ka mid ahaa, horta markii horeba gobolkan Awdal waxa uu ahaa gobol wax lagu soo dhex-tuuray, oo si qalad ah wax loo fahamsiiyay, oo lagu yidhi haddii aad is-diiiwaangelisaan dhoofi kari-maysaan iyo waxyaabo noocaas ah lagu yidhi, intii aanu waxaasi dadka ka saaraynay muddo yaya nagu qaadatay, anagoo bilaa Baabuur ah, hadana imika markii uu badhasaabka cusub yimid waxaanu ku bilawnay baabuurkiisii u gaarka ahaa, ayuu na siiyay oo aanu muddo ku shaqaynaynay, hadana imika saaxiibkii ayuu nooga qaaday baabuur kale. Markaa caqabadihii naga hor yimid labadaas ayaa ugu waaweynaa. Hada laakiin wax badani way fududaadeen.”
Cabdinaasir Daahir Cigge, oo ah madaxa kormeerka ee diiwaangelinta madaniga ah u qaabilsan gobolka Awdal, kana tirsan xafiiska badhasaabka gobolka Awdal, ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadlay kormeerka ay ku sameeyeen goobaha ay diiwaangelintu ka socoto, ee magaaladda Boorama, waxaanu yidhi “Goobihii aanu soo kormeernay intooda badan waxaad moodaa in aanay dadku sidii hore ka badan yihiin, oo hada soo baraarugayaan oo ay qaadanayaan Kaadhadhkii, taasina waxaa u sabab ah markii uu gudoomiyaha cusubi uu gobolkan yimid, wacyigelintii gobolka ka socotayna la xoojiyay. Markaa imika waxaad moodaa in dadku diiwaangelintii ama qaadashadda kaadhadhka muwaadin-nimadda ay si fiican u qaadanyaa. Waxaanu rejaynaynaa maalmaha soo socdana in aanu TV-yadda si aad uga xayaysiin doono sida ay Boorama uga socoto. Si bulshadda loo fahamsiiyo faa’iidada ay leeyihiin qaadashadda Kaadhka dhalashadu.”
Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee Awdal
Cabdinaasir Daahir Cige ayaa ka hadlay tirada dadka ee is-diiwaangeliyay ilaa hadda gobolka Awdal waxaanu yidhi, “Runtii macluumaad (Data) sax ah oo tiradda is-diiwaangelisay ah, ma sheegi karno. Laakiin tiradda guud ilaa dhawr iyo afartan kun oo qof ayay maraysay, balse labadii maalmood ee ugu dambeeyay maanaan helin inta is-diiwaangelisay.”
Dhinaca kale badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo suxufiyiintani ay la kulmeen ayaa waxa uu uga warbixiyay guud ahaan gobolka Awdal qaabka ay diiwaangelintu uga socoto.waxaanu badhasaabku fariin u diray guud ahaanba bulshadda ku dhaqan gobolkaasi oo uu ku booriyay in ay qaataan kaadhka dhalashadda, isla markaana aanay dheg u dhigin hadalladda kutiri ku teenka ah ee ay bulshadda ku soo dhex tuurayaan xisbiyadda mucaaridka ah iyo dad uu ku tilmaamay in ay wax ma garato yihiin.
Waxaanu yidhi “Anigoo ah guddoomiyaha gobolkan Awdal, fariinta aan u dirayo guud ahaanba bulshadda reer Somaliland gaar ahaana reer Awdal, waxay tahay kaadhka dhalashadda ee diiwaangelinta madaniga ah in la qaato, waana in aan la tashwiishadayn oo aan la odhan dhoof ayay joojinysaa, iyo doorashadda ayaa dib loogu dhigayaa. Runtiina qayb ayay ka noqotay waxyaabaha hakiyay in ay dadku kaadhka qaataan, ee ay xisbiyadda mucaaridka ahi bulshadda ku guubaabinayeen in aan la qaadan, qayb ayay ka tahay runtii. Hase yeeshee imika waxaan filaynaa in ay dadku aad u fahmeen.
Inta ka horaysa qaadashadda kaadhka codbixinta sida ay komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen waxaanu ku rejo weynahay in aanu dhamaystiri doono gobol ahaan, imikana meel fiican ayay noo maraysaa.”
Su’aal: guddoomiye ma kala tashateen arrintani cuqaasha iyo odayaasha deegaanka maadaama oo ay qayb muhiim ah ka yihiin bulshadda si ay ugu dhiiri geliyaan in ay dadku kaadhka dhalashadda qaataan?
“Haa, madax-dhaqameedka waanu kala tashanay. Waxa kale oo aanu kala tashanay isu-duweyaasha gobolka, xildhibaanadda golaha deegaanka, waxa kale oo nagala qayb qaatay maamuleyaasha dugsiyadda oo aanu shirinay, waxaanu marinaynaa in ay cuqaashu si weynn noogala qayb qaataan, waayo qayb ayay ka yihiin shaqadda. Dadweynaha laftooda runtii waxaynu nahay dad inta badan isku dayda, dabadeedna imika markii ay arkeen, way soo badanayaan, oo way dhiiradeen.
Nimanka wacyigelinta runtii aad iyo aad ayaan u amaanayaa iyo kormeerka badan ee ay samaynayaan, wax badan bay ku kordhisay, habeenadda qaar kun iyo dheeraad ayay gaadhaa tiradda dadka is-diiwaangeliyaa, Markaa aad ayay u fiican tahay. Waxaan aad u hambalyaynayaa shaqaalaha dhalinyaradda ah ee ku hawlan, hawshani iyada ah, oo hadh iyo habeenba u taagan. Xalay todobadii habeenimo ayay soo rawaxeen, mar keliya may fadhiisan, imikana waad aragtaan oo gaadhigoodii 30 litir oo Shiidaal ah ayuu magaaladda dhexdeeda ku dhameeyay, markaa waad dareemaysaa gaadhiga 30 litir oo shiidaal ah magalaadda gudaheeda ku dhameeyay socodkiisu inta uu ahaa, ama inta jeer ee uu magaaladda kolba koone uga baxay, Taasi oo aanu culays badana saarnay, gaadiid badana ku hawl-gelayno. Waad og tihiin gobolku gaadhigaas oo keliya ayuu leeyahay, gaadhigii wacyigelinta la soo siiyayna weli namuu soo gaadhin oo nin baa iska haysta, oo yidhi waxaan u isticmaalayaa gaadhi aan anigu leeyahay oo kale. Qaladkaasina aniga wuu iga horeeyay, laakiin imika laba gaadhi oo kale ayaanu wacyigelinta ku isticmaalnaa, oo midkood wax kharash ahi xukuumadda kaga socon, laakiin tabaruc ah, mid kaygii weeyaan, ka kalena nin taajir ah oo dadka magaaladda ah ayaa noogu tabarucay, oo waa kaasi ay hada shaqadda ku wadaan, oo Baskaasi qiimaha leh. Markaa waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa dadka in la qaato kaadhka dhalashadda oo muhiimad weyn inoo leh”.
Guddoomiye Ramaax, oo aanu waydiinay in shaqaalaha ku hawlan diiwaangelinta madaniga ah in ay ka cabanayaan mushahar la’aan, waxa uu ku jawaabay “Waad ka warhaysaan is-bedel ayaa yimid wasaaradda maaliyadda, iyadoo diyaar ah lacagtii, oo waaban u tegay in aanu u soo qaadno shaqaalaha oo loo soo daayo, hadana waa ka is-bedel ku yimid wasaaradii, laakiin dhakhso ayaanu ugu rejo weynahay in todobaadka soo socda horaantiisa ay shaqaaluhu qaataan mushaharkii”.
Sidoo kale dhamaanba degmooyinka gobolka awdal hoos yimaadda sida Dilla, Boon, Baki, Qun-u-jeed iyo sidoo kale tuulooyinka kala duwan ee gobolkaasi Awdal ayay si habsami ah uga socotaa diiwaangelinta madaniga ah, iyadoo ay dadweynuhu si fiican u soo buuxiyeen goobaha laga diiwaangelinayo.
Waxaanay bulshadda ku dhaqan deegaamadaasi kala duwan si aad ah ugu baraarugsan yihiin in ay is-diiwaangeliyaan, iyadoo maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinkuba ay sameeyeen wacyigelin balaadhan oo ay bulshadda ku dhacsiinayeen faa’iidadda uu u leeyahay in ay qaataan kaadhka aqoonsiga.
La soco qaybo kale……