Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa caawa badhtamaha magaalada Hargeysa lagu dhex dilay hal qof ooaan wali si rasmi ah loo aqoon cida uu yahay iyo cida dishay
Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu yahay wiil waxaana lagu dilay agagaarka fooqa Ilama Faarax Joome oo ku yaala badhamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa , waxana lagu dilay marxuumka sida lanoo sheegay [Mindi]
Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa danbi baadhista oo goobta soo gaadhey ayaa waxaa dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Saxilnews.com in ay meydkiii ka qaaden goobta isla markaana ay dhawr qof u qab qabteen