Ilaa shalay ayaa waxa kaantaroolada Bariga iyo Galbeedka magaalada hargeysa ku xanniban gadiid tiro badan oo sida Sharaab iyo Biyo isla markaana soo gali lahaa magaalada,waxaana gadiidkii la waydiiyey cashuurtii dheeraadka ahayd intaasi ka dibna darawaliintii gaadiidka ayaa iyagu sheegay inaanay bixinayn lacagtaasi isla markaana masuuliyiinta shirkadaha ay u shaqeeyaan ay ku amreen in aanay bixin waxaana ay gaadiidkii tubeen kaantaroolada dhinacooda.
Gadiidkan tirade badan ee sida Sharaabka iyo Biyaha kala duwan ee ay soo saaraan shirkadaha kala duwan ayaa waxa ay ilaa hadda ku xaniban yihiin kaantaroolada galbeedka iyo bariga magaalada Hargeysa.
Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa iyagu fadhi ay hore u yeesheen waxay ku laaleen wareegtadaas lacagta dheeraadka ah lagu saarayo shirkadaha isla markaana ay soo saareen wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo maamulka dawlada Hoose caasimada Hargeysa.
Gabagabadiina Mar aan isku daynay inaan khadka telefoonka kula xidhiidho Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco si aan wax uga waydiino arrinkan khilaafka ah ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo ugu naga qaban waayey awgeed.