Musharaxii Ugu Horeeyay Ee U Tartamaya Xilka Madaxweynaha Somaliya Oo Is Diiwaan Galiyay , Shuruudaha Uu Buuxiyey Iyo Musharaxa Uu Yahay + Sawiro

0
16

Moqdisho (Saxilnews)- Magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya waxaamaanta si rasmi ah u bilaabatay diiwaan galinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Image may contain: 1 person, sitting and suit

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tagay xarunta Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ku taala xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna si rasmi ah u buuxiyay sharuudaha laga doonayay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Musharax kasta oo isku soo sharaxaya ayaa laga doonayaa bixinta lacag dhan 30-kun Dollar oo diiwana galin ah, waxaa sidoo kale jira sharuudo kale oo laga doonayo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha.

Image may contain: 2 people, people standing and people sitting

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo 8-da bisha Febraayo ee soo socota, waxaana Dooarashada ku tartami doona Musharaxiin dhoor ah oo hami ka leh on talada dalka ay qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here