Beer Weyn Oo Ku Taala Magaalada Borama Oo Soo Jeedatay Indhaha Caalamka Iyo Sawir Qaade Soo Bandhigay Sawiro Si Farshax Leh Loo Qaaday 

0
20

 

Borama(Saxilnews)Beertani waa beerta loogu talagay iskoolka agoomaha ee ku yaal magaalada Borama, waxaan booqday beertan dhawaan, beertani waa beer gu iyo jiilalba illahay ka soo saaro nimcadiisa uu ku arsaaqo umadiisa,mowduucan manta waxa aan ku soo qaadanayaa ma hal wakhti oo guga ah unbaa wax la beerankaraa mise gu iyo jiilaalba wax waynu beerankarnaa? Aniga ahaan waxan aamin sanahay in gu iyo jiilalba wax waynu beeran karno, Marka hore deeqda illahay swt ayaa bixiya qof waliba waxa uu ku rito dhukiisa ayuu illahay swt ka arsaaqaa, waxa aynu ku jirnaa wakhti abaar ah waxa aynu dadka baahan ee ay abaartu saameysay gaadhsiina deeq caawimo ah ina way gaadhaa ina way ka godaa oo ma gaadho deeqdaasi, lkn ta illahay swt cid waliba oo adoomadiisa ah way gaadhaa,Hadaba waxa is waydiin mudan side ayaynu xal ugu heli karnaa abaartan inagu soo noqnoqonaysa?Fikir ahaan waxaan aamin sanahay anigu umad waliba iyada ayaa iskeed wax u qabsata horamarna gaadhi karta, waxa aynu asal ahaaan ka soo jeednaa dad beeraqotayaal iyo xoolo dhaqato ah, waxa aynu nahay dad wax beerankara 12bilood hadanna waxa ina caawisa oo aynu caawimo waydiisanaa dad reer galbeed ah oo 3bilood wax beerta waa ayaan daro, waxa aad manta ku dhex cuntaa wadankaaga basal ama baradho ama tamaat kaaga timaada wadamo shisheeye ah, aqoontaada waxa lagaa dhaahdhiciyey in aadna ku hor marin Karin dhulkaaga hooyo,hadabba miyayna ahayn in dadka la siiyaa tobabar nolaleed waxa loo sheegaa in uu isagu wax soo saran karo waxna noqokaro waxa aynu barnay inta aynu taa bari lahayn waxa kuu soo socda deeq caawimo, wakaas qofkiina xoogiisii noqday mid aan anfac u ahay naftiisa iyo ta dadkaba,waxa aynu ku caynay reermiibaa tahay ama beeralay ayaa tahay wakaas oo ka soo cararay beertiisii iyo xoolihiisii kuugu imidna magaalada, ma ogtahay waxa aynu ku nool nahay illahay kasa kow waa dadka beera layda iyo reer miiga, inta aynu u geynayno raashiin maalimo haya kana dhamaada aynu barno in isaga wax loo soo doonto ceelalna aynu u qodno hana loo sheego dadka in gu iyo jiilalba uu isaga wax beeri karo illahayna ku qadineyn, nolashu xal kama maaranto inanka yare ee maanta jaamacada bartay cilmiga beeraha ee loo yaqaan agricultures marka uu dhameysto waxa uu la hor taagan yahay faylkiisa ama shahaadadiisa wasaarada beeraha wuxuu doonayaa shaqo horana uma helayo, waxaan odhanlahaa qofkaa adiga ayaa shaqo abuurankara la tag cilmiga uu illahay ku baray beertiina oo wax kala soo bax ileen waad taqaanaa aqoontiiye dadkaagana uga faaidee oo bar xalka nolasha intaa ayaan ku soo gababeynayaa mawduucayga illahay ha inaga saaro abaarta baahsan ,Amiin amiin
ALLAH MAHAD LEH

Image may contain: food and outdoorImage may contain: foodImage may contain: foodImage may contain: grass, plant, outdoor and natureImage may contain: plant, food, nature and outdoorImage may contain: foodImage may contain: plant and foodImage may contain: sky and outdoorImage may contain: grass, outdoor and natureImage may contain: plant, grass, outdoor and natureImage may contain: plant, outdoor, food and natureImage may contain: foodImage may contain: plant, outdoor and natureImage may contain: plant, outdoor and natureImage may contain: plant, tree, outdoor and natureImage may contain: sky, tree, outdoor and natureImage may contain: plant, tree, outdoor and natureImage may contain: sky, plant, bridge, outdoor and natureImage may contain: plant, outdoor and foodImage may contain: plant, tree and outdoorImage may contain: plant, fruit, outdoor, nature and foodImage may contain: plantImage may contain: 1 person, standing, grass, plant, outdoor and nature

Waxa Sawiradda Qaaday Gacanta Barakaysan Ee Sir Isak Amin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here