Dagaalkan ayaa sababay inta la ogyahay dhimashada laba qof iyo dhaawac dad kale,waxaana dagaalkan ka dhashay isku qabsi khuseeya lahaanshaha dhul ceelal ah oo ku yaala deegaanka.
Wasiiru dawluhu waxa uu dagaalkan ku tilmaamay mid axmaqnimo ah oo aan loo dul qaadan Karin in lagu dul dagaalo oo dhiig lagu daadiyo dadka ay abaartu saamaysay ee ay ka leedeen xoolihii ay dhaqan jireen iyagiina qarka uu saaran yihiin inay dhintaan.
Wasiiru dawluhu waxa uu fariin u direy cid kaste oo arrinkan talaabo ka qaadi Karin isaga oo ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga daadanaya.
Waxaana uu wasiiru dawluhu sida kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Facebook,waxaana qoraalku u dhignaa sida tan.
“Dagaalada iyo colaada ilaa shalay ka socota deegaanka Higlo-kadhacday ee Buuhoodle aad iyo aad ayay ii damaqday ugana xumahay, dagaalkaa oo sababay dhimasho iyi dhaawac.”
“Xilligan oo ay dalka ka hayso abaar dhaharatey oo dadka iyo duunyadaba haysa, waa axmaqnimo iyo waxaan la aqbalikarin in dadkaa lagu dul dagaalamo. Waana in si deg deg ah loo joojiyaa dhiiga daadanaaya oo muslimnimada iyo ehelnimad la xusuusto caqliga iyo maskaxduna shaqayso. Allena waxaan ka baryaynaa in uu i inaga qaboojiyo colaada iyo dagaalada.”.
Gabagabadiina xaalada deegaanka Higlo-ka dhacay ee gobolka Buuhoodle ayaa hadda ah mid laga dareemayo sansaan colaadeen,iyada oo labada dhinac ee dagaalku dhex marayna ilaa hadda ay wadaan hub iyo ciidan urursi.