Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Somaliland Oo Agaasime Guud Magacaawday, Shaqaalahiisii Oo Isaga Baafinaya Iyo Muran Maamul Oo Uu La Kawsaday Xarunta Hayaddaas.

0
20

Hargeysa(Saxilnews)- Wasiirka Cusub Ee Dhawaan Uu U Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo Wasaaradda Dhaqanka Iyo Dalxiiska Ayaa Waxaa Baafinaya Waaxda Dhaqanka Ee Abwaanadda Iyo Fanaaniinta Oo Aanu Wali Kala Wareegin Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigalinta Somaliland Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Intaan Wasaaraddan Cusun La Magacaabin.

Wasiirkan Oo Lagu Magacaabo Khaddar Xaaji Yuusuf Ayaa Ku Cusub Saaxadda Siyaasadda Waddanka.

Warar Hoose Oo Uu Helayaayo Hangoolnews Ayaa Xaqiijinaya In Wasiirkan Uu Magacowday Agaasime Guud Taas Oo Ka Baxsan Nidaamka Awooddeed Ee Wasiirkan Waxaana Xaq U Leh In Uu Magacaabo Booskani Madaxwaynaha Somaliland.

Geesta Kale Waxaa Muran Ka Taagan Yahay Nidaamkii Wadda Shaqayneed Wasaaraddan Cusub Ee Dhaqanka Iyo Dalxiiska.

Lama Garanayo Waxaa Uu illaa Imika Uu Wasiirku Ula Wareegi Waayay Waaxdan Dhaqanka,

Dhinaca Kale Wasiirka Ayaan Marnaba La Kulmin Ama Xidhiidh La Samayn Waaxdan Dhaqanka, Iyada Oo Aan La Saadaalin Karin In Uu Saluugsan Yahay Maamulkan Fanaaniinta , Wolow Ay Jirtay Markii La Magacaabay Warar Sheegaya In Uu Ka Biyo Diidsan Yahay In Wasaaradda Loo Magacaabay Ay Ka Mid Noqdaan Waaxda Dhaqanka.

Source:-Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here