Dooni Ka Shiraacatey Xeebaha Dalka Libya Oo Ku Degtey Badda Mediterranean-ka , Tirada Dadka Ku Dhintey Iyo Inta La Bad Baadiyey

0
22

Italy (Saxilnews):- Dooni jimcihii ka shiraacatey xeebaha dalka Libya ayaawaxaa ay ku degtay Mediterranean-ka waxaana ku geeriyoodey Afar qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 180-kalena waa la la’ yahay

Waxaana doontan ka bad baaday Laba qof oo Ethiopian iyo 2 Eritrean , kuwaasi oo habeen hore gaadhay Dekedda Degmadda Trapani ee Jesiiradda Sicilian ee dalka Talyaaniga.

 

Dadkaasi badbaaday oo kala ah 3 nin iyo haweenay ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.

 Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof habeenkii Jimcihii ka soo raaceen Xeebaha Libya, iyadoo dhamaan dadkaasi ka soo jeedaan dalalka Bariga Afrika.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu ciladoobay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.

Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here