Inkastoo aan waayadan ka maqnaa hawada hawlo badan daraadood hadana alxamdulilaah hada waan isu soo laabanay, maanta waxaan doonayaa inaan xoogaa ka yara hadlo wanaaga iyo horumarka xukuumada uu hogaamiyo Xaaji Axmed Siilaanyo.
Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadan hubaal waa mid tariikhda baal dahaba ka gashay, dadku ma gartaan hada xiliga la joogo waxa wanaago ku jiro iyo waxa xumaantu ku jirto balse waxay gartaan marka waxaasi tagaan ayey ku amaanaan, waxaa ka fiican inta aad hadhaw amaani lahayn inaad ku amaanto xiliga waxkastaaba taagan yihiin wanaagoodu.
Sidaa awgeed waxaan Dawlada Somaliland ee maanta jirta ugu hanbalyeynayaa kuna amaanayaa horumarka iyo dhismaha wadanka, waxaa hubaal ah, dhaliil kastoo jirta waxaa ka badan wanaaga iyo samaanta ay dawladu qabatay dhankastoo laga eego xukuumada Siilaanyo waxay ku jirtaa dedaal aan la jaraysan Karin.
Xamdi mahad marii hadii ay noo dayactirtay Wadooyinkii, dadkii reer Somaliland tustay inay wax qabsan karayaan sababtoo ah waxkasta waxaa ka muhiimsan in lagu dhiiri geliyo oo lagu tuso awoodaada, Xukuumada xaajigu ilaahay baa mahad lehee wax sida cad ceeda u cad ayey qabatay, waanu aragnaa dhismayaaasha bilicsan ee wasaaradaha , dhismaha madaarada iyo dekada berbera, waxaan sidoo kael ku amaanayaa aan ku farxaa markaan arko Ciidamada qaranku siday ugu labistaan darajeda, waxaana amaanteeda iyo sharafteeda leh Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa.
Allow Xukuumadaa noo daa , waxay bulshada tustay tag tooda iyo tamartooda inay waxkasta ku qabsan karayaan iyagoo is kaashanaya , waa ta xukuumada maantu hormuud noogu ah in lagu hirto oo la dhiso jidka dheer ee Ceerigaabo iyo burco oo ay Awoodi wayday cid kale iska daayee rajiibkii siyaad bare , hanbalyo iyo mahadin ayaan usoo jeedniyaa Dawlada maanta waxaanan shacabkayga kula dar daarmayaa inay isbarbartaagaan xukuumada maanta .
Ugbaad Jalaqsan
Oslo-Norway