Muqdisho(Saxilnews) Wiil dhalinyaro ah kana mid ahaa musharixiinta u taagan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya, ahna musharixiintii u matalayay Somaliland kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku guuleystay doorashada aqalka sare.waxaanu ka soo jeedaa beesha Samaroon
Wiilkan oo lagu magacaabo Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ku soo baxay doorashadii maanta,isaga oo ka guuleystay saddex musharax oo kale oo isaga la tartamayay.
Saddexdan musharax ee la tartamayay ee uu ka guuleystay oo kala ah:—
Xuseen Ceelaabe Faahiye
Maxamed Aadan Waabari
Axmed Cabdi Faahiye
Waxaanu wiilkani helay cod dhan 39 sidaasi ayaanu ugu soo baxay kursiga aqalka sare.
Mar dhaw la soco xubnaha laba xildhibaan oo mardhaw la dooran doono
Hangoolnews.com