Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Caliayaa waxaa uu soo dhaweeyey digreeto uu shalay soo saaray madaxweyne Siilanyo oo uu madaxweynuhu dhaqalaha maamulka maxkamadaha hoose iyo sidoo kale shaqaale hoosaadka maxkamadaha kaga hoos saarey wasaarada cadaalada oo iyadu maamuli jirtey
Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa uu arintaasi ku tilmaamay mid guul u ah qaranka Somaliland isla markaana ay muddo ka shaqeynayeen sidii talaabadaasi loo dhaqan galin lahaa
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in digreetadaasi ay xoojineyso madax banaanidii iyo dhex dhexaadnimadii arimaha garsoorka
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=rn3f3G0a-QE