Madaxweynaha Gambia Oo Ilaa Bisha May Talada Dalkaasi Hayn Doona

0
19

Madaxweynaha dalka Gambia Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuusan is casilidoonin ka hor go’aanka maxkamadda sare ee doorashada lagu muransan yahay.

Hase yeeshee, lama filaayo in maxkamadda ay go’aan ka garto arrinta illaa bisha May ee sanadkan.

Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan “faragelin dibadda kaga timaado Gambia”.

Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.

Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrka oo la kulmay Jammeh bartamihii december

Madaxweynaha la doortay Adama Barrow wuxuu sheegay in isbuuca soo socdo loo dhaarindoono xilka.

Mr Jammeh, oo horey u aqbalay in lagaga adkaaday doorashadii December, ayaa dib ka diiday, wuxuuna dacwad u gubiyay maxkamadda sare.

Wuxuu ku doodayaa in natiijooyiinka qaar ka mid ah la badalay, wax isdaba marinna la sameeyay.


Balse guddiga doorashada wuxuu ku adkeysanayaan in natiijada ay sax tahay, balse ay jireen qaladaad yar.

Adama Barrow oo ah ganacsade ayaa si dirqi ah uga guuleystay madaxweynaha hadda talada

Yaxya Jammeh ayaa jagada qabsaday 1994tii, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan an aadanaha.

Laakiin Gambia waxaa ka dheceysay doorasho joogto ah oo lagula tartamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here