Hargeysa(Saxilnews) Baanka dhexe ee Somaliland ayaa qarka u saaran in albaabada loo laabo, ka dib markii u tahli kari wayay inuu la tacaalo kor u kaca iyo is bedbedelka aan xuduuda laheyn ee sarifka lacagaha qalaad.
Waxaanu ku guul-dareystay si uu jiritaankiisu u noqdo mid sii waara in uu ilaalliyo oo uu tayeeyo lacagta shilinka Somaliland.
Xogo hoose oo u dhuun daloola dhaq dhaqaaqa baanka ayaa iftiiminaya in aanu baanka dhexe ee Somaliland maalmahan u danbeeyay u shaqeynin sidiisi caadiga aheyd.
Waxaana la arkeyey shaleyto iyo maanta wakhtiyada caadiga ah ee shaqada siiba galinka hore abaaro siddeedi subaxnimo iyo inta ka sokeysa ay xidhnaayeen albaabada laga galo baanka taasi oo aan looga baran in xiligaasi la xidho .
Todobaadadii ugu danbeeyay waxaa Somaliland naafeeyay sixir barar xadhkaha goostay oo baanka dhexe iyo wasaarada maaliyaduba wax ka qabashadiisa ay siyaabo kala duwan uga hadleen.
Baanka Somaliland ayaa hadii lagu sii jiro duruufta sixir-barar, iyo tan dhaqaale xumo ee Somaliland ka jirta ayaa waxaa uu isu badali doona goob guud ahaanba u taagan in laysku tilmaansado oo kaliya.