Daawo:-Gudoomiyihii Hore Ee Maxkamada Sare Ee Somaliya Oo Ka Hadley Doorashooyinka Somaliland Iyo Wakhtiga Uu Iman Doono Hargeysa

0
19

Hargeysa (SaXILNews):- Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee dalka Somaliya abukaata Ceydiid Ilka Xanafwaxaa uu amaanay doorashooyinka Somaliland ka hir galay waxaana uu sheegay in aanay Somaliya heerkaasi gaadhikarin xataa hadii ay jirto 30 Sanadood .

 

 ” Halka Ay Somaliland ka gaadhey arimaha doorashooyinka si loo gaadhee walee in aanay ka yaraneen dhawr iyo sodon sanadood ” ayuu yidhi

Sidoo kale Ceydiid Ilka Xanaf waxaa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu Somaliland yimaado maadama oo xilkii maxkamada sare laga qaaday , lagana hor istaagey in uu ka mid noqdo baarlamaanka Somaliya

 

“Wey u dhawdahay in aan Hargeysa yimaado , waayo nin weyn baan ahay anigu hadii layga diiday in aan meesha iska sharaxba , markaas in aan gurigeygii oo aan muddo badan ka maqanaa aan tago qasab ayey noqoneysaa ” ayuu yidhi Ceydiid Ilka Xanaf

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=hRTI3EOdQ-U

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here