Daawo:-Xisbiga UCID Oo Sheegay In Aanay Aqbaleen In Doorasho La Galo Xilli Ay Abaaro Xun Dalka Ka Jiraan 

0
24

Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu sheegay in aanaysuurto gal ahayn in doorasho la galo xiligan oo dalka ay ka jiraan abaaro xoogani

Cabdinaasir Qodax xogahaya guud ee xisbigaasi oo ka war bixinaayey kulan ay maanta gudida doorashooyinku la yeeshen saddexda xisbi qaran waxaa uu sheegay in kominshanku u cadeyeen in dalka ay ka jirto abaar xoogan oo 57 % boqolkiiba todoba iyo kontan  ah isla markaana dadkii codeynaayey aanay joogin goobihii ay ka codeyn lahayeen oo ay abaarta ka hayaameen .

” Gudida doorashooyinku waxaa ay noo soo ban dhigeyn xaalad adag oo taabaneysa dadkii kaadhadhka qaatey ee isdiwaangaliyey oo runtii ah duruftaas adag ee abaarta ah ee lixda gobalba ka jirta .

 

Waxaa ay kormeer ku soo sameyeen gobihiii diwaangalinta ee ay dadku iska diwaangaliyeen waxaana ay noo sheegen in aanay dadkaasi badankoodii aanay joogin goobahoodi , waxaana ay sidoo kale noo sheegen in dadkii isdiwanaagliyey 57 % ay hayaameen oo ay abaartu saameysay ” ayuu yidhi Cabdinaasir Qodax xoghayha guud ee xisbiga UCID .

https://www.youtube.com/watch?v=NT5aRFsvSfI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here