Waxa yaab igu noqday markii aan Radio Hargeysa ka dhegstay Taliyaha Ciidanka Waddooyinka ahna Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo 28kii Ogos 2016ka ka hadlaya xadhiggayga, gaar ahaanna warkii 08:00da caweysnimo ee Raadyaw Hargeysa, waxa uu sheegayay in aan faraha kula jiray arrimo nabad-gelyo-darro dhalinaya. Mar dambe oo gaar loo arkayna waxa uu xaqiijiyay in lagu dirqiyay shir-saxaafadeedka uu qabtay, isla markaana uu ogyahay in aanan gabbood-fal geysannin.
Yaa dhabarka taabtay Af-hayeenka Booliska? Anigu judhiiba waxa aan gartay in Faysal Xiis iyo ciidanka Booliska laga soo amray madaxtooyada. Waayo? Waxa caweyskaaas warka la igu eedaynayo si gaar ah u gudbinayay SuxufiAxmed-Saki Daahir Xasan oo ah Weriyaha sida gaarka ah u soo gudbiya Wararka, war-saxaafadeeddada kulannada iyo tallaabooyinka ka dhaca qasriga madaxtooyada. Dhawr sanno ma arag Axmed-Saki Daahir Xasan oo ka warramaya xog ahaan ta madaxtooyada. Haa! Bal waa cidda igu beenaysa!
Gaashaanle Faysal Xiis iskama daayo eedaynta iyo af-kala-qaadka. Horraanta bisha uu i hafrayo ayaanu kala saxeexannay heshiis nabad-gelyo oo uu isagu codsaday. Tix aanan dhawr sadar markaa ka qoray ayaan qabyo-tiray markii aan u-qaadan-waayay dabuubtiisa. Aniga oo isaga la hadlaya, isla markaana dusha uga tuuranaya cambaarayn iyo hafar la mid ah kii uu ii xambaariyay, waxa aan idhi:
Gaashaanle Ina Xiis Cilmow, guurti maad noqonne
Gefka uu sameeyaa khalqiga, lagu ganaaxaaye
Gashi waxad dul-saartaa nimaan, guunyo kaa cunine
Anigoon gar-diid noqonnin buu, geesh i weeraraye
Gaca-hadalka tii oo maryaha, la igu googgooyay
Markii aad gudaa ii dirteen, maanku garan waaye
Mar labaad ganaax iyo haddii, gibir la ii raacay
Dhammaanteed gedaafada haddaad, guudka iga saartay
Kolkii aan gantaallada u diray, goob war tebinaysa
Gelinkiiba inad cabatintaa, maaha weedh gara’e
Gondihiisa kaad haysatee, gubista kaa daayay
Garda-duub qacdii loo xidhee, jeelka lagu giijay
Iyadoon gunteedii dhacdada, geedka laga sheegin
Mar labaad inaad geleftaan, laabta gelahaynne
Wixii kaa gedmaday baan haddeer, kuu giraangirinne
Muu jir shirin gaaroon ka idhi, “geyllan baa dhiciye”
Gaharykina dembiileba ma noqon, tuu garsoor yidhiye
Golahaa sinnaantaan fasixin, gulufyadiinniiye
Haddii geedka damalkaa la jaro, gudinna loo qaato
Gacantii dhirtaba gaabisaa, lagu garraaxaaye
Girgilaan hadduu uumiyaha, gooyo madaxiisa
Gocorkii ku soo toogtay bay, godobtu raacdaaye
Adigana geddaas oo kalay, kugu gucleeyaane
Garaadkaaga maad hadal kolkaad, goohday keligaaye
Garnayl laygu soo siishay oo, ruux ganaad tahaye
Haddii aan geddaadii naxliga, kugu yar guulguulo
Cirridkeenna gawskuba marbuu, yara ganiinaaye
Hadday gacal walaalaa jug iyo, hawli kala gaadho
Gumaad looma xeytiyo inaad, keento gaas kale’e
Guri qiiqay weligii nin ragi, gaas ma sii sudho’e
Gabbaanyahaw adaa tii Darroor, geystay oo dhigaye
Inkastoo garaaddiyo xiddigo, garabka loo saaray
Gaashaanku sharaftuu lahaa, waanad geyahayne
Nin gasiinku hagayaa sharciga, waa ka garanuuge
Gaadiidka aad baadhataan, geedda wuu yahaye
Anigaa malaayiin gunno ah, layga soo guraye
Toban gini markaad “dhiib” i tidhi, yaab la giigsadaye
Iyadoo raggii kale gabbaday, geesna uga weecday
Waxa gooddigii kugu dirqiyay, uunku garan-waaye
Gaaggaagle weligii ma karo, weedh gar noqon layde
Sida gorayadii xabagta dhagax, loogu gacal-miisay
Ee dacawo geerida baddaad, “gii” isoo tidhiye
Anigoo tixdii goynayoo, gaabshay ereygayga
Garsheeg iyo waxaan idhi midkii, ila gudboonaaye
Ama guuto ii soo kaxee, geesi lala roorye
Ama waynu kala goosannee, gocashadii jooji
Ama doono gaashaan-dhigyada, gabayga miisaama…
Markii aan ka yaabay xaaladda jahawareerka ah ee aan galay, waxa aan ku maaweelooday gabaygan ka warramaya weedhihii aan idhi, wixii aan xabsiga ku arkay, hadalka ciidanka booliska, dadkii sida xilkasnimada ah iigu dooday iyo dulmiga ka jira xabsiyada. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu igu simo maalinta qiyaame ee daallimiinta iyo dulmaneyaasha la xisaabinayo, si gaar ahna waxa aan Weynaha ka tuugayaa in uu darka jannada ii arooriyo.
Wuxuu yidhi:
Inkastoo la buunbuuniyoo, beenta lala yaaco
Xaqiiqada wixii baal-maraa, waa bar-kuma-taalle
Inta uu bannaan-baxay shacbigu, “buuqa” maan odhanne
Sida uu bilayskeennu yidhi, baaddil maan wadinne
Boobkiyo dhacaan diiddanaa, baahay waayadane
Intii baylaha ii muuqatiyo, boogo maan dedine
Ummaddaa la bara-saaray baan, “baanta” leeyahaye
Argaggixiso beyd loo dhisay, igu buquujeene
Bannadaadda sida lay arjumay, booqashaan jirine
Markii aan bukaan halisa galay, “baanta” may odhanne
Barkimada waxay deris yihiin, beytalmay qodane
Balaayiin kaneecaa ku nool, baalley faraweyne
Iyadoo bannaankiba dem yahay, laydhka beledkeennu
Waxay boowe igu daarayeen, boqol kun oo waate
“Bac ku seexo” goortii la yidhi, baylka waan karaye
Baaxaaddeg awgi hurdiyo, jiifka maan boganne
Biyuhuna hadday kaa go’aan, biime waad geliye
Burintiyo xadgudubkiyo sharciga, laga dul boodaayo
“Weli baadhis baa socota” baa, lagu bannaystaaye
Iyadoon garsoor loo bandhigin, xeerna lagu begin
Bilo iyo dar baa lagu hayaa, maalmo sii badane
Sidiiyoy bagaashyiin dar bay, biniyo siisteene
Nin badbaadsha qarankoo ma arag, beydda loo jara’e
Billadaha halyeygii mudnaa, wuu bah-dilayaaye
Nin baraar xaraashiyo midkii, bawlad laga kiishto
Haddii aanad buur noqon amaan, buuro la arkaynnin
Baad iyo waxay kaa rabaan, xoolo booliya’e
Bani-aadannimadii muddada, la ila baal-joogay
Bulshayahay wanaaggaad gasheen, beerku wuu qiraye
Facebook bayaankaad dhigteen, baawar ii noqoye
UCID baaqi ay soo direen, way ka baqayeene
WADDANIna markuu bigilka tumay, biiqe oo jabe’e
Suxufigu warkuu baahin jiray, la igu badhi-taarye
Bishintiinnu weedhay tidhee, uunku igu buuray
Allaylehe buruud baan ku helay, aan la burinayne
Arbe baaxad weyn baan waqii, biiqu didiyeene
Barre iyo Siyaadkii raggii, baacsadaan ahaye
Baabullaha libaaxiyo ninkii, aar ka biqi waayay
Cag-baruur inuu waabiyaa, beerka may gelinne
Bohoshiyo anoon iilka gelin, bixitinkii mawdka
Biidh-qaate noqon maayo shilin, lagu busteeyayaye
Bah mucaarid waxa loo alkumay, beretankii guude
Bishimaha haddaad iga xidheen, “buus” anaa idhiye
Shalaytoole ruuxaan boqree, beledka loo doortay
Ummaddeenna waa kaa bidhee, bawdadii jaraye
Cashuurtoo la badiyaan shacbiga, baahi-tirahaynne
Wax baroonku laayiyo wax ay, haaddu kala boobto
Wax badweyn ku leediyo wax uu, beerku ololaayo
Waa kaa barbaartii ka dhigay, baylah uu gabaye
Haddii uu hoggaankii la bilay, maanta nagu buubay
Beeleeyahaa nagu habsaday, waan beddelaynaaye
Bulshoyahay codkeennuu ku tegi, booli-quutuhuye
Ballankeennu waa doorashada, waynu ciil-bixiye
Anoon gabayga sii badinahayn, beydka waan xidhiye
Boqorkiyo Raxmaankow adaa, Baaqiyoon dhimanne
Basharkiyo markaad noolihii, bacadka soo taagto
Ban qiyaame goortaad naflaha, barada keenayso
Marka aad badraan iyo dulmane, Baari kulansiiso
Badiicow garsoor loo bogaad, soo bandhigaysaaye
Kolka buugga ruuxii gef galay, bidixda loo saaro
Ee daallin buul naara iyo, baylka lagu hoojo
Beercaddaadka ciilkaambigiyo, booyiddiyo yaabka
Bu’du way jeclaan-layd inay, toos u bogataaye
Adigaan Basiirow dibnaha, kugu baryaayaaye
Beeraha jannaad iyo naqaan, baahidood qabaye
Baxrashoonka iyo qiiqa shidan, waan ka baqayaaye
Baradii Rasuulkuu wadnuhu, “beegso” leeyahaye
I dhex gee badhaadhaha Farduus, waan u baahnahaye!
La soco qaybta afraad haddii Eebbe idmo
Siciid Maxamuud Gahayr