Fadhigan saaka oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golahaasi isla markaana ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan ayaa waxaa ugu horeen mudanyaashu war bixin ka dhegaysteen gudi hoosaadka arimaha gudaha ee golahaasi oo iyagu muddoyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa kal hufida xeerkan
Gudoomiye ku xigeenka golahaasi oo isagu shir guddoominaayey golaha saaka ayaa markii ay guddida arimaha guduhu dhameysay war bixintooda waxaa uu cod galiyey in loo codeeyo soo jeedinta iyo wax ka bedelka ay ku sameyeen xeerkan waxaana ogalaadey 38 xildhibaan 2 xildhibaan wey diidan 1 muddane na waa uu ka aamusay waxaana sidaasi ku ansaxey wax ka bedel lagu sameeyey xeerka doorashoyinka madaxtooyada iyo golaha deeganka
https://www.youtube.com/watch?v=MyaPgjD8JMk