Hargeysa(Saxilnews):-Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Ayaa Mar Uu Shalay La Hadlaayey Dadwayne Ku Tukanaayey Salaadii Jimce Masaajidka Boqol Jirka Ee Caasimadda Hargeysa Waxaa Uu Ka Waramaxay Heerka Naxdinta Leh Uu Dalka Ka Maraayo Isticmaalka Maandooriyaha Gaar Ahaan Xashiishaddu Isaga Oo Soo Qaatay Dhacdooyin Layaab Badan Oo Uur Ku Taalo Ku Reebay Dad Waynihii Masaajidkaasi Ku Tukanaayey Salaadii Jimce, Kadib Markii Uu Ka Hadlay Dhacdooyin Uu Habeenadii U Danbeeyey Goob Joog U Ahaa Oo Tilmaamaaya Heerka Isticmaalka Maandooriyuhu Ka Maaraayo Dalka.
Askariga Ayaa Sheegay In Isagoo Ka Hawlgalaaya Saldhiga Degmadda Ibrahim Koodbuur Uu La Kulmay Qoys Dhan Oo Ka Kooban Hooyo Iyo Laba Ay Dhashay Oo Xashiishadda Iibiya Markii Ay Baadhitaan Ku Sameeyeena Ay Ogaadeen In Aabaha Goyskasi Dadka Masaajidka Safka Hore Kaga Tukadda Balse Aan Ogayn Waxa Ay Qoyskiisu Qabtaan, Taasi Oo Uu Askarigani Yidhi Waxay Taasi Tilmaan Ka Bixinaysaa Sida Aysan Aabayaashu Uga Warhaynin Reerahooda Isla Markaana Ay U Dayaceen Masuuliyadii Ka Saarnayd Qoyskooda.
Askariga Oo Sii Wata Hadalkiisa Ayaa Markale Xusay Dhacdo Naxdin Badnayd Oo Uu La Kulmay Isagoo Hawlgal Ku Jira, Waxaanu Qab Qabanay Dhalinyaro Xashiishad Ku Dhuuqaysa Gudaha Daryka Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sheikh Cali Ibrahim (Ex Biyo Dhacay Sare)
Kuwaasi Oo Ay Ku Qabteen Iyagoo Gaadhi Ku Dhex Jira Tiradooduna Dhan Tahay 12 Dhalinyaro Isugana Jira Hablo Iyo Rag Isagoo Sheegay Inay Wakhtigaasi Xashiishad Ku Dhex Cabaayeen Gaadhigaashi Dhexdiisa Balse Uu Rumaysan Kari Waayey Markii Uu Ku Dhex Arkay Hablo Qaaqaawan Oo Sidii Aya Ku Dhasheen Ah Oo Dhexda ugu Jira Rag Oo Xashiishad Dhuuqaaya.
Askarigan Ayaa Ka Dayriyey Halka Ay Marayso Halista Maandooriyuhu Gaar Ahaan Xashiishadu Ku Hayso Dadkeena Iyo Siday Caadi Uga Dhex Noqotay Isagoo Xusay Inay Jiraan Xaafado Si Caadiya Loogu Iibiyo Xashiishadda.
Waxaa Kaloo Uu Askarigu Xusay In Dawladu Intii Taagteeda Ah Dadaalayso Balse Dadka Looga Baahan Yahay Inay Kaalintooda Qaataan Oo Waalidku Marka Faldanbiyeed Lagu Qabto Umadkooda Kaalintooda Ka Qaataan Ee Aanay La Soo Taagnan Inankayga Masaajidkuu Ku Maqnaa.
Source FOORE