Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay maanta warbaahinta u soo bandhigeynashqaas ay u tuhunsan yahiin in ay ka danbeeyen warar ay beeniyeen oo laga baahiyey Musharax Cabdiraxmaan Ciro
Amb Safiina oo ah u qaabilsana arimaha carabta ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta la hadley waxaa uu sheegay in rag waa weyn oo kulmiye ahi gaar ahaana ah nin ganacsade ahi uu wararkaasi baahintooda uu qeyb weyn ku qaatey oo uu ka danbeeyey
Mr Safiina waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu tageero nin ganacsade ah oo aanu carabka ku dhufan isla markaana uu sheegay in uu bur burin ku hayo asxaabtii dalka , sidoo kalena ku tilmaamay in ninkaas ganacsadaha ahi uu shidaalka ka iibiyo ururka Xuutiyiinta oo ka dagaalama dalka Yemen isaga oo gacan ka helaya dawlada Iiran waa sida uu hadalka u dhigee
Dhinca kale siyaasigan ka tirsan xisbiga Waddani waxaa uu sheegay in ganacsadahan aanu carabaabin uu 70 dawladood ka iibiyo maandooriye booliska caalamiga ah ee Inter Pool na ay ku dabo jiraan
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=e_iNsafuefo