Daawo :-“Maamulka Khaatumo Waxaan Kula Hadleynay …….” Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey Meeqaamkii Ay Ku Wada Hadlaayeen Maamulka Khaatumo

0
23

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo maanta warbaahintakula hadlaayey waxaa uu ka hadley heshiiskii dhawaan ay kala saxeexdeen maamulka Khaatumo iyo xukuumada Somaliland

Wasiirku waxaa uu sheegay in ujeedka ugu weyni aheyd sidii Somaliland u midoobi laheyd isla markaana ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto waxii nabad galyo xumo ah

Dhinca kale wasiir Sacad Cali Shire waxaa uu ka hadley meeqaamkii ay Somalilannd kula hadleysay maamulka  khaatumo waxaaana u sheegayin ay wada hadlayeen iyaga oo  ku mideysan xaydaabka Somaliland isla markaaana waxaa uu cadeeyey in aanay Somaliland aqoon saneen wax maamul kale ah oo ka jira gudaha dalka

” Horta Somaliland hal dawlad uun baa ka jirta , Somaliland na hal qaran weeye waxaa aanu ku wada hadleynayna waa xayndaabka Somaliland , mana aqoonsanin maamul kale oo Somaliland ka jira ” ayuu yidhi wasiir Sacad cali Shire

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=Uovz3lYIYAA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here