Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbga Kulmiye ayaa waxaa uu maanta magacaabey xilal cusub
Ku: Mustafe Ismaaciil Cabdi = Hargiesa
Ku: Cabdiqani Mahdi Jaamac = Hargiesa
Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE
Hargiesa = Ujeeddo: Magacaabista Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u- socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE
ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.
1. Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha
Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
2. Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
Waxa aan u mahadcelinayaa Xoghayihii hore ee Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Cismaan Xirsi sidii wacnayd ee uu waajibkiisa shaqo uga soo baxay muddadii uu xilka hayey, waxaanan u rajaynayaa
xubnaha cusub in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen.
ALLAA MAHAD LEH
Ku: Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay) = Hargiesa
Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa
Ujeeddo:Magacaabista Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh, Gobolka Buuhoodle
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilkan heer Degmo u leeyahay habsami usocodka hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay masuulka magaciisu hoos ku qoranyahay in uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widhee Gobolka Buuhoodle, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.
1. Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.
Waxa aan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Alle ku asturo xilkaa iyo masuuliyadaa uu u qaaday bah-weynta Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.