Xaflada Lagu Soo Dhoweynaayo Ku Biirida Jamaal Cali Xuseen Ee Xisbiga KULMIYE Oo Laga Dareemaayo Xafiisyada Xisbiga KULMIYE Ee Hargeysa Iyo Berbera.

0
21

Berbera(SAXILNEWS)waxa xafiisyada xisbiga KULMIYE laga dareemayaa diyaar garow balaadhan oo loogu jiro xaflad loo qaban doono soo dhoweynta murashaxii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kamid ah garabkiisii.

Waxaana hadda la wadaa qaban qaabada xafladaasi, iyada oo la filaayo in lagu qabto Hotel Maansoor ee magaalada Berbera.

Xukumada ayaa diyaarinaysa lacagaha la doonaayo inay ku baxaan xafladaasi, iyada oo sidoo kalena ay dekeda magaalada Berbera qayb weyn ka qaadan doonto sidii ay u qabsoomi lahayd xafladaasi iyo kharashka ku bixi doona.

Waxa kamid ah xubnaha misaanka culus ku leh garabkan ee kusoo biiri doona Xisbiga KULMIYE Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo xubno kale oo kamid ah xildhibaanadii Garabkaasi kamidka ahaa ee xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil , gaar ahaana magaalada Berbera.

Xafladan oo ah mid aad u balaadhan ayaa kusoo beegmaysa xili gobolka Saaxil qaybo kamid ah abaar baahsani ay ka jirto, taas oo dadka gaadhsiisay inay xanuuno ugu dhintaan barriga gobolka Saaxil oo isagu ah meel aad u dayacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here