Muqdisho(SAXILNEWS) siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saluug badan ka muujiyey habka xulida xubnaha golaha Sare ee Barlamaanka Somaliya.Xubnahan oo isugu jira siyaasiyiin kala duwan oo qaarkood xilal ka hayaan maamulka Puntland laakiin kazoo jeeda dhalasho ahaan gobolada Somaliland ayaa si weyn uga hor yimid waxay ku tilmaameen cadaalad daro lagula kacay.
Waxaana hogaaminaaya xubnahaasi Maxamed Cumar Carte oo ah ra’isal wasaare ku xigeenka Somaliya, waxa isna ka mid ah Cabdixakiim Camey oo ah madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kazoo jeeda degaanka Buuhoodle, wasiirka warfaafinta Somaliya Maareeye, wasiirka Dekedaha , wasiirka cadaalada , wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliya Jaangeli iyo xubno kale oo kamid ah dawlada Somaliya iyo maamulada Somaliya ka dhisan.
Hoos Ka Akhri Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xubnahani.