Dawlada Jabuuti Oo Qaxoonti Dib U Celineysa Iyo Dalalka Ay Ka Soo Jeedan Qaxoontigaasi

0
16

Jabuuti (Saxilnews):- Hay’adda dawladda Djibouti u qaabilsan arimaha qaxootiga

ayaa ku guda jirtay beryahan hawlo dib loogu celinayo dalkooda dad qaxooti ah oo deganaa xeryo ku yaalla Djibouti, iyo dad kale oo tahriib ahaa oo laga so celiyey dalka Yaman, kuwaas oo la soo marsiyey Djibouti.

Dadka la celiyay waxa ku jirey Soomaali, sheegtay in ay si iskooda ah ugu laabanayaan dalkooda.

Haddaba, madaxa hay’addaasi Xuseen Xasan Dharaar ayaa wariyaha VOA ee Jabuuti Ramadan Muuse uga waramay inay jiraan tiro kale oo dad kale Somaali ah oo doonaya inay dalkooda ku laabtaan.

“Nin kasa wadankiisa ayaa u fiican in uu joogo , dadkan aanu qaadney waa dad Somali ah oo jeclaadey in ay dalkoodii dib ugu laabtaan hadii ay dadkaasi dalkood wax fiican ka helaana kuwan kale ee jooga waa qasab dalkoodi way ku noqonayaan waan ay rabaan “ayuu yidhi Xusen Xassan Dharaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here