Muxuu Xisbiga UCID Ka Yidhi Weerarkii Ay Budhcadka Hubaysani Kusoo Qaadeen Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ka Tirsan?

0
17
Hargeysa(Saxilnews)Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee ay budhcad hubaysani todobaad gudahii kusoo weerareen laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Masuuliyiintan oo kala ahaa xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo masuul kale oo ka tirsan xisbiga ayaa waxay si adag uga hadleen falkaasi,waxaana ay sheegeen in falkani yahay mid aan loo dul qaadan Karin,sidoo kalena waxay baaq u direen laamaha amaanka iyaga oo ku adkeeyey inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii weerarkani gaystay ee waxyeelada soo gaadhsiiyay labadan masuul.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?v=PhCIK6loyUM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here