Nigeria Oo War Ka Soo Saartay Bariiskii Lagu Qabtay Dalkeeda

0
20

Dowladda Nigeria ayaa beenisay wararka sheegaya in ‘bariis caag ka sameysan’ lagu iibiyo dalkaasi. Laanta qaabilsan canshuuraadka badeecooyinka ayaa horay u sheegtay inay gacanta ku dhigtay 2.5 tan oo bariis caag ah oo la tuhunsanyahay in laga keenay Shiinaha._93059892_rice

Wasiirka caafimaadka Nigeria, Isaac Adewole, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in baaritaanno lagu sameeyey ka dib lagu ogaaday in bariiskaasi uu yahay mid caadi ah oo uusan caag ahayn.

“Bariis caag ka sameysan” oo lagu qabtay Nigeria

Madxa canshuuraadka Lagos ayaa Arbacadii sheegay in bariiskaasi beenabuurka ah la doonyay in la iibiyo xilliyada lagu guda jira dabbaaldegyada.

Bariis sidan oo kale ah oo caag ka sameysan ayaa sanadkii hore lagu qabtay dalka Shiinaha.

Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here