Madaxa Hawl-Gelinta Ciidanka Booliska Oo Jidh-Dil Iyo Xadhig Iskugu Daray Weriye Hargeysa Ka Hawlgala.

0
24

Hargeysa:(Saxilnews)-Madaxa Hawlgelinta Ciidamada Booliska Somaliland Md. Maxamuud Ducaale

, ayaa isga oo awoodda ciidanka adeegsanaya jidh-dil u geystay weriye Mahad Xasan Xuseen (geelle) kaas oo muddo saacado ah ku xidhnaa saldhigga dhexe ee Hargeysa.

 

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey weriye Geelle waxa uu taliyaha hawlgelinta ee ciidamada Boolisku kula kacay weriyaha gardarro caddaan ah, waxana uu gaadhiga weriyaha oo waddada haadkiisa saxda ah haystay hordhigay gaadhigiisa oo markaa isaga waddo qalad ah marayey, waxana uu ugu hanjabay inuu waddadaas u banneeyo, taas oo uu weriyuhu ka diiday.

Taliye Maxamuud Ducaale, ayaa markii uu weriyuhu ka diiday inuu hadkiisa saxda ka baxo kasoo degay gaadhigiisa, waxana uu dhirbaaxo ku bilaabay weriyaha oo wejiga kala dhacay, isla-markaana si xoog iyo jujuub ah ku geeyey saldhigga dhexe isaga oo adeegsanaya awooddiisa ciidan, waxana uu halkaas ku xidhnaa muddo saacado ah ka hor intii aan amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Booliska lagu soo daynin.

Hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska, ayaa dhaqanka noocan ah ee uu kula kacay weriyahani waxa uu muujinayaa inuu si kibir ah oo sharciyadda ka baxsan u adeegsanayo astaanta qaranka iyo shaadhka ciidanka ee uu xidhan yahay, waxana hoggaanka saree e ciidanka looga fadhiyaa inuu dhaqannada noocan ah hoos u eego uu la xisaabtamo.

Ma aha weriyayaasha oo kali ah cidda uu tacaddiga iyo deelqaafka kula kaco taliye Maxamuud Ducaale, balse dadka taagta daran ee bulshada kamid ah, ayaa cabashooyin joogto ah ka muujinaya, waxana ay taasi markhaati ka tahay inaanu taliyahani u baahan yahay in hoos loo eego tacaddiyada uu geysanayo.

Hore ayey u dhacday inuu Taliye Maxamuud Ducaale dad tiro badan u xidhay si milgaha ka baxsan, waxana xadhiga iyo weliba tacaddiga sharciga ka baxsan ee loo geystay weriye Geelle marti uga yahay Taliska Guud ee Ciidamada Boooliska inay u illimo bixiyaan, isla-markaana ka dhaahiyaan deel-qaafka dirayska ciidanka loogu soo gabbaday ee lagu beegsaday.

Ugu Dambayntii Waxa Wariye Geele Ka Soo Daarayay Isla Markaana Amar Bixiyay In Xoriyadiisa Lo Soo Celiyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Oo Ah Taliye Aad Saaxiib Dhow ula Ah Warbaahinta Qaybaheeda Kala Duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here