Hargeysa(Saxilnews)Qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda waxbarasha Somaliland iyo Gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Somaliland ee Solja ayaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqdey laba ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo xanuun u jiifa cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ee booqdey Shaqaalaha Wasaaradda waraafinta ee ilaa iyo haatan aanay masuuliyiinta Warfaafintu ka war hayn ayaa waxa hor kacayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Cabdi Cali Jamac oo ay weheliyaan Madaxa imtixaanaadka Qaranka Daa,ud Axmed Faraax iyo Afhayeenka WasaaraddaWaxbarashada C/laahi Ibraahim Xassan.
Gudoomiyaha Ururka SOlja Maxamuud Cabdi Jamac Xuuto ayaa dhankiisa isna waxa uu booqday labada Wariye ee Xanuunka u Jifa Cusbitalka guud ee Hargeysa,
Guud ahaanba masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa dhagaha ka fureystey xanuunka iyo ka war-haynta labadaasi wariye ee xaqa iyo Xuquuqda ku leh Wasaarada Warfaafinta ee mudada dheer ay ka soo hawl galayeen kuwaasi oo kala ah Siciid Faarax Muuse oo ka hawl gala Wargayska Dawlada ee Dawan iyo Axmed Muuse Xuseen oo ah Sawir qaade Telefishanka qaranka ah.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo warbaahintu wax ka waydiisay sababta ay u soo booqan waayeen ugana war hayn waayee ka wasaarad ahaan ayaa arintaasi si dheel dheel ah kaga jawaabey isaga oo sheegay in aanu gabi ahaanba wax ka ogayn xanuunka Labadaasi Saxafi ee ka shaqeeya Wasaaradda uu masuulka ugu sareeya ka yahay.
Xigasho/Hangoolnews