Daawo:-Guddoomiye Cirro Oo Booqday Isla Markaana Kafaalo Qaadey Qoys Danyar Ah Oo Caruurtooda Iskuuladda Dowladda Lacagtii Lagu Soo Eryay

0
15

Hargeysa (Saxilnews):- Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna murashaxa xisbigaasi MudaneCabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa maanta gurigooda ku booqday qoys danyar ah oo horay caruurtooda loogu soo eryay dugsiyada dowladda maadaama ay lacag yihiin.

Image may contain: car and outdoor

Image may contain: 13 people, people standing

Guddoomiyaha oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo xisbiga waddani ka tirsan ayaa waxa ay halkaasi ka ballan qaadeen in xisbiga waddani uu kafaalo qaadi doono waxbarashada caruurta danyarta ah ee qoyskaasi, iyadoo hooyada caruurtaasi dhashay ay uga mahadcelisay booqashada guddoomiye Cirro isla markaana xukuumadda ku canaanatay ballanqaadkii ahaa waxbarashada bilaash ayaanu ka dhigaynaa.

Hooyadan danyarta ah ayaa waxa warbaahinta ku faafiyay Wariye Khaalid Foodhaadhi oo kamid ah suxufiyiinta magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyntii xisbiga waddani oo ka jawaabay baaqa hooyadan danyarta ah.

Waxaana halkaasi garabka dhallinyarta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ay deeq lacageed oo dhan 2,500,000 Sl/Shilling(Laba Milyan iyo Shan Boqol oo Somaliland Shilling ah) gaadhsiiyey qoyskii danyarta ahaa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro), ayaa isna sida oo kale dhankiisa halkaas ka hadlay, waxaana uu ka dareen celiyey taakuleyntan lacaggeed iyo weli ba sida oo kale duruufaha ku gedaaman qoyska danyarta ah.

“Ugu horreyn waxa aan umahad-naqyaa Khaalid Foodhaadhi oo suurto-geliyey in imaashaheenaasi uu ku suurto-galo warkii uu sameeyey in aynu qoyskan soo booqano, waxa kale oon si buuxda ugu mahadnaqayaa garabka dhallinyarta Xisbiga WADDANI oo runtii anaga na na soo kiciyey iyaga na ay arrintaasi damaqday, iyaga oo dhallinyarta aanay siddooda ba shaqeynin waxa ay go’aansaddeen in ay u gurmadaan ubaxa halkan taagtaagan ee dhallinyarada ah oo Iskuuladdoodii waxbarasho laga soo eryey oo sababta looga soo eryeyna ay tahay in Iskuuladda markii hore lagu yidhi waa bilaash se markii dambe ay lacag noqdeen, siyaasadda KULMIYE way fiicnayd in Iskuulada ay bilaash ka dhigto, laakiin waxa nasiib darro ah in maanta aanay Iskuuladdii bilaash ahayn oo berigii hore 7000 oo Somaliland Shilling ah ayey ahaan jirtee maanta ay marayso lacag 18kun/SH/SL ah, markaa halkaa waxa aad ka arkaysaa bilaashkii ka sakow in hada na ay saddex jeer laban laabman tay lacagtii.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Image may contain: 2 people, people standing, child and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 5 people, wedding

Image may contain: 13 people, people standing

Image may contain: 12 people, people standing

Image may contain: 5 people, sunglasses

Image may contain: 6 people, drink

Image may contain: 1 person, drink and sunglasses

Image may contain: 5 people

Image may contain: 2 people

Image may contain: 4 people

Image may contain: 6 people, child and outdoor

Image may contain: 9 people, child and outdoor

Image may contain: 6 people

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=wRN1X5zldF0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here