Madaxweynaha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii xalay magaalada Ankara loogu geestay Safiirkii dowlada Ruushka u fadhiyay Turkiga.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay aad uga xun yihiin dilka loo geestay Safiirka u dhashay Ruushka, waxa uuna dilkaasi ku tilmaamay in ay tahay mid lagu doonayo ion lagu xumeeyo xariirka labada dal, sidoo kale waxa uu ku sifeeyay dilkaasi weerar lagu soo qaaday Qaranimada Turkiga.
Recep Tayyip Erdogan ayaa Telfoon waxa uu kula hadlay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen dilka loo geestay Safiirka Ruushka iyo sidii arintaasi looga hortagi lahaa in ay xumeyso xariirka labada dal.
Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ku tilmaamay dilkii loo gaystay safiirkii dalkiisa u fadhiyay dalka Turkiga inuu ahaa tallaabo daandaansi ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo dadaalada nabadda ee Suuriya.
Dhinaca kale dowlada Rushka ayaa u dirtay dalka Turkiga Baarayaal u dhashay dalkaasi kuwaa oo baaritaan ku sameyn doona sidii uu u dhacay dilka xalay magaalada Ankara loogu geestay Safiirka Ruushka u fadhiyay Turkiga.
Safiirka Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga Andrei Karlov ayaa la toogtay xili uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu soo bandhigayay sawirada farshaxanka, waxaana la toogtay isaga oo xiligaasi khudbad jeedinayay, dilkan waxaa fuliyay 22-jir horey uga tirsanaa booliiska Turkiga.