Moqdish (SaxilNews):- Musharax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna
Musharaxa u tartamaya jagada madaxweynaha dalka Somliaya ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho
Farmaajo oo saaka ka soo kicitimay magaalada Nairobi oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Taageerayaasha Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho isu soo bax iyo diyaar garow ay ku soo dhoweynayeen.
Dadkii soo dhoweynayay ayaa ku sugnaa banaanka garoonka, iyagoo watay sawiradiisa, sidoo kale dadweyne badan ayaa ku sugayay banaanka hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.
Musharax Farmaajo ayaa taageero badan ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo imaanshihiisa saaka ay ku soo aaday, xilli ay xidhan yihiin waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.
Imaanshihiisa Muqdisho ayay ku soo aadeysa, iyadoo inta badan Musharaxiintii ku sugnaa magaalada ay daaleen, isla markaana ay ku jahwareereen dib u dhacyada ku imaanayay doorashada Madaxweynaha oo tiro sadddex jeer ay dib u dhacday.