Wada Hadaladii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Maalintii Saddexaad Galay Iyo Waxyaabaha La Filayo In Lagaga Wada Hadlo Maanta

0
21

Adis-ababa (Saxilnews) Waxaa maanta maalinkii saddexaad galay wada hadaladii u dhaxeeyey maamulka Khaatumo iyo Jamhuuriyada Somaliland ee ka socday magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Waxaanay wararka uu helay Hangoolnews ay sheegayaan in maanta, wada hadaladii ugu mihiimsana la guda galayo.
Waxaanay wararku intaas ku darreen in maamulka Khaatumo ay doodooda iyo ajandahooda ugudbiyeen, xubnaha ay wada hadalka ku wada jiraan ee matalayaa Somaliland iyaga oo siiyay mudo ay ku soo akhristaan oo ay kaga soo bogtaan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in xubno masuuliyiina oo dawlada Itoobiya ka tirsani ay ka qayb qaadan doonan soona gali doonaan goobta shirku ka socdo,waxaanay arintani u muuqata in masuuliyiintaasi ay doonayaan inay wax badan ka ogaadan wada hadalada labada dhinac markhaatina ay ka noqdaan.
Wixii wara ee danbana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here