Muj.Cali Guray] : Siyaasi Ku Abtirsada Godka Guul Darada , Xisbigii Uu Taageerana Guuldaro Afka Saaro Iyo Tariikh Dahsoon Oo Ku Xardhan Nolashiisa

0
24

Hargeysa (saxilnews):- Siyaasiga lagu magacaabo Muj. Cali Guray waxaa uu horeu ahaa gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID .

Image may contain: 1 person, sunglasses and text

Muddane Cali Guray waxaa ay bulshadu ku sifeysay Siyaasi ku abirsada Godka Guul Darda waxaana aanu idiin soo gudbin doona taarikho dahsoon oo ku xardhan wayihiisa nolaleed isla markaana toosh ku ifisay in halkii uu raacba guul dareysto .

1.Shirkii baligubadle ee (SNM) Cali Guray wuxuu taageeray Siilaanyo waana dhacay siilaanyo oo tuur baa soo baxay.

2. Sanadkii 2003 Cali Guray wuxuu taageeray xisbiga kulmiye waakii Dhacay .

3. Sanadkii 2007 Cali Guray isaga oo ka mid ah xisbiga Kulmiye waa uu iska casilay waxaana uu Taageeray xisbigii UDUB oo wakii dhacay xisbigaasi markii uu galay doorashadii 2010

4. Sanadkii 2011 wuxuu olole Cali Guray iyo taageero xisbigii UDUB ka dhex siiyey Jamaal Cali Xuseen waakii ku dhacay xisbigiina burburay sanadkii 2012

5. Sanadkii 2012 Muj Cali Guray waxaa uu galay xisbiga UCID waakii khilaafka ka dhex qarxay xisbigaasi isla markaana meesha ka baxdey musharax nimadii Jamaac Cali Xussen ee uu taagersanaa

6. Muj. Cali Guray oo Maanta  sanadku yahay 2016 waxaa uu dib u soo galay xisbiga kulmiye waxaana aan la saadalin karin in xisbigani maro sunihii Cali Guray ee ahaa in xisbigii uu raacaba guul dareysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here