Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirkii hore ee wasaarada biyaha Baashe Cali Jamaac ayaa waxaa uu maanta
si rasmi ah xilki wasaaradaasi ku wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradasi loo soo magacaabey Muddane Xussen Cabdi Boos .
Xaflada xil wareejinta oo ka dhacdey hotel Sumer Time ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin badan oo ay ka mid yahiin Wasiirada arimaha gudaha , Gaashandhiga , Kaluumeysiga , Duulista , wasiirul dawlaha Ganacsiga , xildhibaano , Maayarka magaalada Ceerigaabo , madax dhaqameed , haween , dhalinyaro iyo Masuulyiin kale .
Madasha xil wareejinta ayaa waxaugu horeyn ka hadlay wasiirada Gaashandhiga , Kaluumeysiga , Duulista iyo arimaha gudaha waxaana ay sheegen in wasiir Baashe Cali Jaamac lagu xasuusan doono wax qabad balaadhan oo ay kow ka tahay nabadeynta arimaha bariga .
Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay masuulyiin kale oo ay ka mid yahiin maayarka magaalada Ceerigaabo , xildhibaan Saleeban cali Koore , Muj Cali Guray waxaana ay dhamaantood sheegen in wasiirkii hore ee Biyuhu uu yahay shaqsi kaalin weyn ku leh nabadeynta gobalad bariga iyo arimaha biyo soo saarista dalka .
Gabo gabadii Wasiirkii hore ee wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac oo madasha hadalo kooban ka yidhi waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilkii wasiirnimo ee uu yahay mudad sanadka ka badan uu wareejiyo
Wasiir Baashe waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo wasiirka cusub ee wasaaradan loo magacaabey sidoo kale na waxaaa uu xusay in uu halkii ka sii wadi doono arimihii nabadeynta gobalada Bari .
Ugu danbeyn wasiirka cusub ee wasaarada biyaha Muddane Xussen Cabdi Boos waxaa uu sheegay in uu madaxweyne Siilanyo uga mahad naqaayo xilkan uu u magacaabey isla markaana waxaa uu tilmaamay in uu halkii ka sii wado doono shaqadii uu wadey wasiirkii ka horeyey Muddane Baashe Cali Jaamac