Qoryaale (Saxilnews) Gudoomiye ku xigeenka degmada qoryaale oo hoos timaada gobolka Togdheer ayaa qaylo dhaan dareen taabashale ka soo saaray abaarta baahsan ee ku dhufatay, gabi ahaanba degmadaasi iyo deeganada hoos yimaada waxaanu yidhi “Waa inaan dadka reer miyiga ah tuulo waxba loogu darin, kaamamnka wax lagu siiyo, waayo marka tuuladii biyaha loo shubey habeenkii ayay kala, qaybsatay, subixii ninkii reer miyi waxaa uu yimid iyada biyihii la qayb saday, raashinkii waxaa uu yimid iyada oo la qaybsaday, dadka maanta jilicsani waa reer miyiga, Madaxweyne waa reer miyiga, gudoomiy, iyo badhasaab waa reeer miyiga, ganacsatadey waa reer miyiga, dadka maanta jilicsani waa dadkii reer miyiga ahaa, ee xoolaha watay weeyi, in halkooda wax loogu geeyo oo kaamamka ay degan yihiin wax loogu geeyo ayaanu soo jeedineynaa” Gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryaale, Xasan Caydiid Jaamac