Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa waxaa uu
ku fashilmay in uu fuliyo balan qaad uu dhawaan u soo bandhigay shacbiga Somaliland kaas oo noqdey mid beenoobey isla markaana aan la fulin .
Waxaa ay aheyd 10.11.2016 markii xisbiga Kulmiye War Saxaafadeed ka soo baxay xaruntiisa dhaxe lagu sheegay in uu joojiyey gabi ahaanba xisbigu xafladihii soo dhaweynta ahaa ee uu u sameyn lahaa taageerayaasha ku soo biiraya abaaraha dalka ka jira awgood
Waxaana xisbiga Kulmiye u muuqdaa mid aan la dareen aheyn shacbigiisa dhibaateysan ee abaaraha xoogani ku dhufteen isla markaana ah shacbiga uu bari codka ka rabo uu ku dul sameynaayo iyaga oo dhibaateysan xaflado fantisyo ah
Dhinca kale waxaa iyaduna mad madow iyo ka shaki yeelatay sida ay bulshada Somalilad u amaani karaan balan qaad uu xisbigani sameeyo madaama oo balanqadkiisii ugu danbeeyey ay noqotay natiijadiisu sidan
Halkan Hoose Ka Daawo War Saxaafadeedkii Kulmiye Ku Sheegay In Uu Joojiyey Xafladaha
https://www.youtube.com/watch?v=hwMkdeDg7s0