Gabadh weriya ah oo ka shaqaynaysay Telefishinka NRT ee dalka Ciraaq qaybtiisa Afka Carabida ayaa maalintii Sabtidii markii ay dhamaysay warkii hawada ay ka sii daynaysay ku soo xidhay erayadan :””Dhegaystayaashayda qiimaha lahaw warkani waa kii ugu danbeeyay ee aan NRT idiinka soo tebiyo, shaqadiisana waan ka tegay waxaanan u wareegay Telefishan kale , aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa, waxa kale oo aan u mahad naqayaa maamulaha NRT iyo dhamaan shaqaalaha aanu wada shaqaynay”.
Shaqo ka tegidan ayaa ka yaabisay dhamaan maamulka iyo shaqaalaha NRT, waxa kale oo ay yaab ku riday oo amankaagay weriyihii warka la tebinayay. Waxayna noqotay shaqa ka tegidii ugu horaysay ee hawada laga tebiyo. (Msn-Al-arabiya)